Sunday, August 21, 2016

NAAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraya dhamaan shacapka iyo dadkii ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee magaalada gallkacyo . qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin labo gaari ah , ahaana qaraxii ugu weynaa ee abid ka dhaca dhulka puntland. waxaan kaloo halkaan bogaadin uga dirayaa ciidanka amaanka PUNTLAND kusaa kahortagay qaraxii labaad intii awoodooda ahayd , waxaana leeyahay sii wada howlgalada aan ku baacsanaysaan dadka caadaystay daadinta dhiiga shacabka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba . waxaan kaloo soo jeedinayaa in magaalada galkacyo noqo mid ay gacanku haynteeda ay ahaato kaliya dowlada puntland ama maamulka Galmudug ,sababtoo ah horaa looyiri "doon labo naakhuude wadaan waa degtaaa ',

dowladda turkiga oo heshis lagashay israel

Baarlamaanka Turkiga ayaa meelmariyay heshiis ay xukuumadda Ankara la gaartay Israa'iil, kaasoo lagu soo afjarayo khilaafka dhanka diblomaasiyadda ah oo socday lix sano.
Ankara ayaa ka carootay markii sanadkii 2010 ay ciidanka Israa'iil dileen 10 muwaadiniin Turki ah, kuwaasoo saarnaa markab gargaar bani'aadannimo u siday Gaza, isla markaana lagu jabin rabay go'doominta ay Israa'iil ku hayo deegaankaasi.
Falkaasi ayaa waxaa si weyn u dhaliilay beesha caalamka.
Heshiiska oo ay horay u ansixiyeen golaha wasiiradda Israa'iil, ayaa waxa ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi ay heli doonaan magdhow, halka Turkigana uu bilaabi doono mashaariic wax looga qabanayo xaaladda bani'aadannimo ee Gaza.
Waxaa weli sii jiri doona go'doonti ay Israa'iil ku hayso marinka Gaza.

Monday, August 8, 2016

MURAN SOO KALA DHEXGALAY DONALD TRUMP IYO SARAAKIIL SARE

Muran ayaa ka dhex billowday musharaxa xisbiga Jamhuuriga dalka mareykanka ee Donald Trump iyo 50 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee laamana amniga qaranka waddankaasi oo intooda badan la soo shaqeeyay maamulkii madaxweyne Bush.
Saraakiishani oo ay ka mid yihiin agaasimihii hore ee CIA-da mareykanka iyo labo nin oo madax ka ahaan jirtay wasaaradda arrimaha amniga gudaha ayaa warbixin qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Trump uusan la hayn dabeecadda, qiyamka iyo waayo aragnimo uu ku noqdo madaxweynahe.
Waxa ay saraakiishani saadaaliyeen in Trump uu noqon doono madaxweynaha ugu taxaddar la'aanta badan taariikhda mareykanka.
Trump ayaa hadalkaasi uga jawaabay in saraakiishaasi ay ka tirsan yihiin aqoon yahanno fashilmay oo reer Washington ah, kuwaasi oo ay tahay buu yiri in lagu eedeeyo in caalamka ay ka dhigeen meel halis badan.

MURAN SOO KALA DHEXGALAY MADAXDA XISBIGA DIMUQRAADIGA EE MAREYKANKA

Muran ayaa ka dhex billowday musharaxa xisbiga Jamhuuriga dalka mareykanka ee Donald Trump iyo 50 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee laamana amniga qaranka waddankaasi oo intooda badan la soo shaqeeyay maamulkii madaxweyne Bush.

Saraakiishani oo ay ka mid yihiin agaasimihii hore ee CIA-da mareykanka iyo labo nin oo madax ka ahaan jirtay wasaaradda arrimaha amniga gudaha ayaa warbixin qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Trump uusan la hayn dabeecadda, qiyamka iyo waayo aragnimo uu ku noqdo madaxweynahe.
Waxa ay saraakiishani saadaaliyeen in Trump uu noqon doono madaxweynaha ugu taxaddar la'aanta badan taariikhda mareykanka.
Trump ayaa hadalkaasi uga jawaabay in saraakiishaasi ay ka tirsan yihiin aqoon yahanno fashilmay oo reer Washington ah, kuwaasi oo ay tahay buu yiri in lagu eedeeyo in caalamka ay ka dhigeen meel halis badan